Diyaarad ay leedahay Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa saakay la xaqiijiyey inay burburtay xilli ay kusii jeeday Magalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya.
Afhayeen u hadlay Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa xaqiijiyey burburka diyaaradaas,waxana nooceedu uu ahaa Boeing 737, isla markaana xilliga ay burbureysay ay ka duushay Magaalada Addis Ababa kuna wajahneyd Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Diyaarada ayaa waxaa la socday sida la xaqiijiyey 157 Ruux oo 8 ka mid ah ay ahaayeen Shaqaalaha diyaarada,waxaana Madaxda Shirkadda ay sheegeen inay ka cabsi qabaan inay dhinteen dadkii saarnaa basle uu jiro howlgal lagu baadi goobayo diyaarada.
Lama shaacin waxa sababay burburka diyaarada, hayeeshee waxaa la xaqiijiyey in 6 Daqiiqo kadib markii ay ka duushashay Garoonka diyaaradaha Bole International ee Magalada Addis Ababa ay burburtay.



