Diyaar garoow ka socda degaanka Xeero-dhagaxley & Qoor Qoor oo ku wajahan

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo wafdi uu hoggaaminay ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay gaaraan degaanka Xeerodhagaxley ee Gobolka Mudug.

Madaxweyne Qoor Qoor oo haatan ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa safar dhinaca dhulka ah uga bixi doono,waxaana safarkiisa qeyb ka ah Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo dowlad Goboleedka Galmudug.

Degaanka Xeerodhagaxley ayaa waxaa laga dareemayaa diyaar garoow ku aadan soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ,iyada oo amniga siwyen loo adkeeyay.

Madaweynaha galmudug ayaa la filayaa in uu kulamo kala duwan la qaato markii uu halkaas tago Maamulka Degaanka Xeerodhagaxley iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.