Sidda Idaacadda Risaala ay u xaqiijiyeen dadka degaanka Koox hubeysan ayaa goor dhow degmada Xamar Jajab ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidanka dowladda Soomaaliya.
Dilka ayaa ka dhacay Suuqa Ansalooti, waxaana kooxda hubeysan ay beegsadeen Askarigaasi.
Kooxda dilka geysatay ayaa durbadiiba goobta ay dilka ka geesteen isaga baxsaday waxaana goobta soo gaaray ciidamada amaanka oo halkaasi ka bilaabay howlgal ay ku baadi goobayaan kooxda dilka geysatay.
Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay, waxaa kusoo batay dilalka Qorsheysan.



