Dil ka dhacay Magalada Muqdisho & faah faahin kasoo baxeysa

Rag ku hubeysanaa bustoolado ayaa xalay fiidkii waxaa ay qeybo kamid ah degmada Waaberi ee gobolkan Banaadir ku dileen Saddex ruux, iyaga oo la sheegay inay baxsadeen.

Dilka ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay agagaarka Baar ha i dhaafin,isla markaana Saddexda ruux ee la dilay ay wateen Mootada labada lug leh ee loo yaqaano Fekon.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya waxa ay ahaayeen dadka la dilay,waxaana wararku sheegayaan inay ahaayeen dad Shacab ah halka Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyada dilkaasi ay sheegeen inay ka tirsanaayeen Nabadsugida Soomaaliya gaar ahaan kuwa dharcadka.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dilka kadib ay goobta soo gaareen Ciidamo katirsan kuwa Booliska Soomaaliya,kuwaas oo goobta ka qaaday meydka dadka la dilay,sidoo kalena ay sameeyeen howlgallo aan wax natiijo ah kasoo bixin.

Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Waaberi iyo taliska Booliska weli kama hadlin dilka ka dhacay degmadaas,waxaana uu kusoo aadayaa xilli maalmihii la soo dhaafay amniga Magaalada Muqdisho uu ahaa mid soo hagaagayay.