Diego Simeone ayaa si maldahan suurto gal kaga dhigay inuu ka tago Atletico Madrid ka dib guuldaradii Champions League kasoo gaartay kooxda ay xafiiltamaan ee Real Madrid.
kooxda Simeone ayaa lagu garaacay 5-3 rigoorayaal ah kadib 120 daqiiqo oo 1-1 la isla dhaafi waayay, Yannick Carrasco ayaana kansalay goolkii bilowgii uu dgaliyay Sergio Ramos.
Laakiin Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay goolka guusha ku qaaday kooxdiisa oo ku ciyaareysay San Siro ka dib markii Juanfran kooxdiisa ka qalday rigore.
Macalinka Argentine ee 46-sano jirka ah ayaa sheegay in uu waxyeelo xanuun badan dareemayo ka dib markii kooxdiisa ay ku fashilmeen sanadkii labaad oo ay ku wajaheen Finalka Champions League Real Madrid.
waxaana uu shaki weyn geliyay mustaqbalkiisa garoonka Vicente Calderon oo ay kooxda Atletico Madrid ku ciyaarto.
“Ma inaan sii joogo Atletico ama in aan ka tagaa? Waxaan ka fakiri doonaa taas ayuu u sheegay saxafayiinta macalinkaan


