Dib udhac ku yimid Doorashada Gudoomiyaha NUSOJ

Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho maalimihii u dambeeyay waxaa ka soconayay shir ay isugu tageen wariyeyaal badan oo ka kala yimid goboladda dalka kaas oo lagu sheegay in lagu dooranayo Hogaanka ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa maanta waxaa lagu waday in shirkaasi lagu doorto hogaan balse dib udhac ayaa ku yimid.

Afhayeenka Shirka doorashada Hogaanka ururkaas oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dib u dhici taanka shirkaas uu yimid ka dib markii arimo farsamo oo la xalinayo uu soo wajahay.

Waxa uu sheegay in maalinta berry ah ay si rasmi ah u dhici doonto doorashada Gudoomiyaha iyo xubnaha sare ee Ururka.

Waxa uu intaas ku daray Afhayeenku in galabta la dhageysan doono khudbadaha xubnaha u taagan xilalka gudoomiyaha iyo Xubnaha sare ee Ururka NUSOJ.