USA-RisaalaFM- Maxkamada Sare ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay inay dib u eegeyso kiiska amarki uu Madaxweyne Donald Trump uga mamnuucayay inay Mareykanka soo galaan qaxootiga iyo muwaadiniinta ka soo jeeda lix wadan oo ay ku jirto Soomaaliya.
Digreeto uu soo saaray Madaxweyne Trump ayaa dhigeysay in mudo 90 Maalmood aysan imaan karin Mareykanka muwaadiniinta dalalka Somalia, Sudan, Iran, Libya iyo Yemen. Sido kale qaxootiga ayaanan soo gali karin mudo 120 maalmood ah.
Maxkamadda ayaa sheegtay inay dib u eegeyso go’aanka, kana soo saarayaan sharci kama dambeys ah bisha October ee soo socota.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaana soo dhoweeyay tallaabada Maxkamadda, isagoo sheegay inuu yahay guul, waxa uuna cadeeyay in xayiraada safarada ay ka difaaci doonto Mareykanka khatarta uga imaaneysa dalalkaasi.


