Midowga Yurub oo ka hadlay Markabka ku Qarxay Caluula

Caluula-RisaalaFM- Hawlgalka Midowga Yurub ee Xeebaha Soomaaliya, ayaa beeniyay in shil uu galay mid ka mid ah maraakiibtooda dagaalka ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya.

Warbaahinta qaybteeda, ayaa xalay baahisay in qarax xoogan laga dhex maqlay mid ka mid ah maraakiibta shisheeye ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya.

Bulshada ku dhaqan degaanka Marcanyo ee Gobolka Bari, ayaa sheegay inay Isniintii maqleen qarax xoogan oo ka dhex dhacay mid ka mid ah Maraakiibta Midowga Yurub ee halkaasi ku sugan.

Qoraal uu Twitter soo dhigay hawlgalka Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida, ayaa waxaa lagu sheegay inaanu jirin wax shil ah oo dhacay.

EU NAVFOR, ayaa qoraalka ku cadeeyay in dhammaanba shaqaalahooda kaga sugan biyaha Soomaaliya, ay xaaladoodu wanaagsan tahay.