Sh/Dhexe-RisaalaFM- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaal xoogan oo Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Al-shabaab ku dhexmaray Bariga Gobolka Shabellaha Dhexe, gaar ahaan Tuulada Cali-fooldheere.
Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ay saakay ku dhaqaaqeen tuulooyin dhinaca bariga kaga toosan Degmada Mahadaay, sidaasina ay halkaasi Dagaal ugala kulmeen Dagaalyahano ka tirsan Shabaab.
Ciidamada Dowladda ayaa inta aysan Shabaab la dagaalamin waxa ay si nabadgelyo ah kula wareegeen Cali-fooldheere iyo Qurac-madoobe, kadibna Alshabaab ayaa dagaal ku soo qaaday halkaasna waxaa ka dhacay dagaal qaraar sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka.
Gen. C/laahi Cali Caanood Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa horkacaya Howlgalka ka soconaya Bariga Gobolka Shabellaha Dhexe, waxaana ku wehlinaya Saraakiil Midowga Afrika ka tirsan.
Ilaa hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Dagaalka ka dhacay Tuulada Cali-fooldheere oo hoos yimaada degmada Mahadaay ee Shabeellaha Dhexe, balse saraakiisha Ciidamada Dowladda waxay sheegeen in ay dib ka faah faahin doonaan khasaaraha ka dhashay Dagaalka.
dadka deegaanka oo Risaala la hadlay ayaa sheegay inay ciidamada dib uga gurteen tuulada Cali-fooldheere fariisinna ka samaysteen Tuulada Caadley oo ay horay usoo mareen saakay.
ciidamada AMISOM ayaa fariismo ku leh deegaanada Ceelbaraf iyo Miirtaqwo oo ka tirsan Shabeelaha dhexe.


