Dhulka gariir qasaaro ka dhasheen oo ku dhuftay India

Dhulgariir cabirkiisu ahaa 6.0 ayaa ku dhuftay gobolka Assam ee waqooyi-bari ee Hindiya, kaasi oo cagta mariyay guryo dhul aad u balaaran, sababayne khasaaro baaxadleh.

Fiidiyowyo laga soo qaaday halka uu dhulgariirku ka dhacay ayaa muujinaya burburka dhismayaal si ba’an uu dulmaray iyo dhul dillaac, kuwaa oo ka dhashay rooban uu watay dhulgariirka.

Dhul go’aan oo maanta ka dhacay Dalka Hindiya ayaa waxaa uu ka ku dhuftay meel 9-km waqooyi-galbeed ka xigaa magaalada Dhekiajuli, sida laga soo xigtay hay’adda saadaasha hawda ee Mareykanka.

Arintan, ma jiro war rasmi ah oo laga soo saaray qasaaraha kala duwan ee ka dhashay oo dowlada Hindiya ku aadan.
Dhulgariirku wuxuu ku soo beegmayaa xilli Hindiya ay dagaal kula jirto fiditaanka Covid-19, iyada oo 200,000 oo qof oo dhimasho ah la diiwaan geliyey hindiya.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa soo werisay saraakiil sheegaysa in gariir laga dareemay gobolka oo dhan, oo ay ku jiraan gobolka deriska la ah Meghalaya, iyo qaybaha waqooyiga ee West Bengal ee hindiya.