Booliska Somaliland oo xir xiray musharixiin kuwo kalena baadi goobaya

Ciidamadda Booliska Somaliland  ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay xir xireen qaar kamid ah musharixiinta Golayaasha Wakiilada iyo degaanka, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku kaceen falal musuq maasuq ah.

War kasoo baxay Taliska Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in ay jiraan Tartamayaasha Doorashada u taagan qaarkood fal-danbiyeedyo iyo Eedo Booliska soo gaaray Afartii maalmood ee u dambeeyay, eedahaas oo ay kamid yihiin.

In Murashixiinta qaarkood ay sitaan Shahaadooyin feelso ah oo ay u samaysteen sifo sharciga baal marsan iyo arrimo kale, Taasi oo markii uu Boolisku baaris qoto-dheer ku sameeyay ay u cadaatay in Sharciga lagu gefay oo ay dembiyo dhaceen feelsana ay sameeyeen xubnaha eedaysanayaasha ahi sida lagu sheegay War kasoo baxay Booliska.

Sidoo kale Booliska Somaliland waxaa ay sheegeen in Baaris dheer ka dib ay Xeer Ilaalinta iyo Maxakamadaha  hor geeyeen caddaymo ku filan in dambiyadaasi kor ku xusan dhaceen, taas oo qayb ka mida ah garnaqsigiisu uu dhamaad ku dhaw yahay oo uu Maxkamadaha ka socdo, dacwadaha qaybo ka mid ahina ay imika bilow yahiin, sida Eeda Dacwada loo haysto Murashaxa magaciisa la yiraa Qaasim Cali Odowaa oo sedexdii cisho ee u dambeeyay ku xiran saldhiga dhexe Ee Magaalada Hargeysa.

Booliska ayaa ugu baaqay dadka u doodaya mas’uuliyiinta xiran ay ka war-sugaan Natiijada Maxkamada, ama ay ka qayb galaan Dhagaysiga Garnaqsiga Maxkamada oo cid kasta u furan inay dhegaysato.

Ugu dambeyn Booliska Soomaaland ayaa waxaa ay sheegeen inay ku raad joogaan muaharixiinta kala ah

1. Kubrra Xasan Maxamuud oo Xisbiga Waddani uga sharraxan Gobolka Togdheer.

2. Murashaxad Canab Cabdi Aw Xirsi oo Xisbiga UCID uga sharaxan Gobalka Sool,

Labadaas Xubnood oo Boolisku u hayo Waaran Maxkamadeed ayaa la faray in ay Hay’addaha Amniga u tagaan oo ay iska difaacaan Eedaha loo haysto, haddiise ay u tagi wayaan sifo Sharciga Waafaqsan uu Boolisku u soo qaban doono si loogu oogo Eedaha Dembi ee loo haysto oo Maxkamada loo hor geeyo.

Doorashada Golaha Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka Somaliland ayaa waxaa lagu wadaa inay bilaabato 31 May ee snadkaan 2021.