Dhowrista Degaanka Waa horumarka Nolosha By Cartan

Waxa aan fahmi karnaa  marka aan si qoto dheer ugu kuur galno in Deganka aan ku Noolnahay cimiladiisu in ay isbadashay Loona tiirinaayo  waxyaabo ama arimo fara badan oo aan horay loo arki jirin oo degaanka kuso kordhay.

Marka laga Hadlayo Cimilo Waa xaalada Cimilo Ee Meel Gaar Ah leedahay waqti dheer waana Lidka cimilo Gooreed (weather).

Waxa Sababikara Labo Qodob oo ay dadka barta Maadada culuumta dhulka Laxiriirta Ay U sababeeyeen oo kala ah

1-Dabiici-Ah9Natural) iyo 2- Dad-sameye ah(Man-made)

Waxyaalaha Degaanka Waxyeeleeya ee Ah Dabiiciga waxa kamid Ah

*Daadadka

*dhulgariirka

*Dabaylaha Iwm.

Waxyaalaha Dad sameya Ah Oo Degaanka waxyeela sababayna cimilo badalka waxay ka Badanyihiin kana waxyeelo Badanyihiin kuwa dabiiciga ah Waxayna waxyeeleeyaan deganka

Waxaana kamid ah tusaalayashan:

*kaymo jaridda (Defforestation)

*dhuxul gubida (charcoal burning)

*xaalufka (over-grazing)

*qashinka (west Dumping) iwm.

Maadaama degaanku Yahay nolosheena waxan ubahanahay in Aan ilaalino waxa jira 3 Qodob oo ladhaho Hadii la adeegsado waxyelada Deeganku waa isdhimaysaa oo wey yareneysaa Waaxana kamid ah :
1- Conservation oo Ah maadaama Deeganku kamid yahay Khayraadka Eebe nagu manaystay in Aanu u Isticmaalo si caqliyaysan (wisely Utilization of Natural Resource) .

2- preservation in La ilaaliyo Deeganka iyado laga cararayo Dhibaato ka dhalankarta Waxyaalaha qaar (Resource exhaustion/Exploitation).

3- protection waa isku dhafka Labada qodob oo Aan kor kuso xusay (sustainable resources ).

Isku soo wada duuboo dhibaatada degaanka loo gaysto oo keenta in ay cimiladu isbadasho waa wax caalamku kasimanyahy(Global warming issues ).

Nuxurka Qormadaan waxaa igu kaliftay Xaalada deeganka Soomaaliya in ay kajiraan Dhibaato soo noqnoqotay oo aan indhaha laga Dadan karin Ayna Ka midyihiin

Abaaro daba dheeraaday, duufaano , Fatahaado iwm.

[Xalka kaliya oo lagu ilaalinkaro degaanka waa in bulshadu guntiga u xirataa ilaalinta Degaanka waana in Labaraa dhalaanka yar yar (present generation) laguna ababiyaa ilaalinta Degaanka(environmental conservation ).

dhibaatoyinka Aan an maqlayo waxa kamid ah dad oranaya Beesha caalamku wax Hanoo qabato oo Si ay Qashin yar meel uga qaadaan sugaya iyo in mushar lagu siiyo taasina waa Dhibaatada aynu Kadhaxalnay Bur burka.

Deegaanku waa Nolosheena iswaydii adigu Deegaan caynkee ah ayaad uga Tagi doontaa jiilka dhalandoona(future generation).

 

W/Q Abdirashid artan ( environmentalist )

DIRECTOR : Somalia Environmental Conservation Center ( SOMENCO).

                                          Mogadishu,Somalia