Wafdi ka socday ergooyinkii ka qayb gali lahaa wajiga labaad ee shirka maamul usameynta gobolada Hiiraan iyo SH/Dhexe ayaa maanta waxa ay gaareen garoonka magaalada Jowhar, iyadoo maarkaasi ay ujeedu tahay sidii dib loogu bilaabi lahaa shirkii maamul usameynta gobolada Hiiraan iyo SH/Dhexe oo mudooyinkan hakad galay.
Ergada Jowhar gaaray ayaa waxa ay ka yimaadeen magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana ay ka kooban yihiin Odayaasha dhaqanka iyo masuuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan.
Shirka maamul usameynta gobolada Hiiraan iyo SH/Dhexe ayaa waxaa hakad galiyay waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin shirkii lagu qabtay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.
Agaasimaha warbaahinta Shabeelaha Dhexe C.kariin Aaloos ayaa Idaacadda Risaala uga warbixiyay.


