DHEGAYSO: Duqa Muqdisho oo ka jawaabay hadal ka soo yeeray Musharaxiinta Soomaaliyeed

Muqdisho-RisaalaFM- Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir aysan Caqabad ku ahayn Musharaxiinta Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay been abuur tahay wararka sheegaya in boorarka Musharaxiinta laga fujiyay Wadooyinka isla markaana wararkaasi aysan waxbo ka jirin.

Waxa uu sidoo kale sheegay in aysan marnaba aqbali doonin in la dhibaateeyo ama caqabad lagu noqdo Ololaha Musharaxiinta Soomaaliya iyo Siyaasiyiinta doonaya in ay u tartamaan xilalka kala duwan ee Dowladda Cusub.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo hormarinta howlaha Doorashooyinka Dalka ka dhacaya.