David Silva Oo Wadnaha Jaray Kooxaha Barcelona Iyo Real Madrid

Ka dib xilli ciyaareed liita oo uu sameeyay 2015/16, David Silva ayaa hadda kamid ah xiddigaha ku raaxeysanaya nolosha Manchester City.

Kooxda Pep Guardiola ayaa badisay 10 kulan ioo xiriir ah tartamada oo dhan xili ciyaareedkaan, waxaana qeyb muhiim ah kaga jira xiddiga lagu magcaabo Silva.

Ciyaaryahana Spain ayaa shaaca ka qaaday in doonayo saxiixa heshiis cusub oo uu kula sii joogayo kooxda Manchester City ilaa inta ka dhiman xirfadiisa ciyaaraha.

Kabtanka cusub ee macalin Pep Guardiola, ayaa kujira sanadkii ugu dambeeyay qandaraaskiisa, waxaana lala xiriirinayay kooxaha Barcelona iyo Real Madrid.

David Silva ayaa hada doonaya in uu inta ka dhiman xirfadiisa ciyaaraha ku qaato kooxda Manchester City ee dalka England.