Barakac weli ka socda Xaafadaha Magaalada Beledweyne

Waxaa weli barakac xoogan uu ka socdaa Xaafado katirsan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan kadib daadadka ka dhashay Roobka iyo fatahaad uu sameeyay Wabiga Shabeelle ee mara Magaaladaasi Beledweyne.

Dadka ayaa ka cabsi qaba inay waxyeelo kasoo gaarto daadadka roobka iyo fatahaada Wabiga, waxaana badi ay u barakacayaan duleedka Magaalada Beledweyne.

Qaar kamid ah dadka ka barakacaya Magaalada Beledweyne oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in weli barakaca uu jiro, isla markaana dadka badankood uu saamen xoogan ku yeesheen daadadka Roobka iyo fatahada.

Sanad Kasta waxaa Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ka dhacda fatahaad xoogan taas oo saameyn ku yeelata Bulshada, waxaana jirin xilligaan dadaalo ay wadaan madaxda Hir-Shabeelle oo ku aadana sidii looga hortegi lahaa fatahaadaha