Dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka socda gobolka J/ Hoose

Taliyaha qaybta 43-aad ee ciidamada Xoogga Dalka Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) ayaa warbaahinta u sheegay in Taliska Xoogga Dalka ay ka go’antahay sida ugu dhaqsiyaha badan inay shabaab ka saaraan gobolka Jubada dhexe oo ay sanado haysteen.

Waxa uuna sheegay in ay wadaan howlgal ay shabaab kaga saarayaan deegaanada ay kaga harsanyihiin gobolka Jubbada Hoose, oo ay Shabaab ku xooganyihiin.

Dhinaca kale Saraakiisha Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ayaa faah faahin ka bixiyey Howlgalo ka dhan ah Al-shabaab oo ka dhacay deegaano u dhow degmada Jamaame ee gobolka J/dhexe.

Saraakiisha ayaa u sheegay in howlgalada laga sameeyey deegaano dhanka Wabiga ka ah Jamaame, gaar ahaana deegaanka Sanguuni oo u dhow degmadaasi.