USA-RisaalaFM- Maxkamadda Minnesota ayaa 35 sano ku xukuntay Guleed Cumar oo 22 jir ah, halka Abdirahman Daud iyo Maxamed Faarah oo min 22 jir ah lagu xukumay min 30 sano.
Dhalinyaradan oo qeyb ka ahaa 6 Dhalinyaro ah oo horey loo xukumay, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay ku biiri rabeen kooxda Daacish iyo ay wadeen falal Argagixisanimo.
Qaar ka mid ah waalidiinta dhalay caruurtaasi oo la hadlay warbaahinta Gudaha ayaa sheegay in ay aad ugu xun yihiin xukunka lagu riday wiilashooda, waxaana ay sheegeen in arrintaasi ay tahay mid aan sax aheyn.
Horey waxaa loo xukumay lix dhallinyarao ah oo iyagu qirtay inay doonayeen inay ku biiraan ururka Dacaish, kuwaasi oo lagu kala xukumay sidan:-
Xamse Axmed oo lagu xukumay 15 sano
Hanad Muuse oo lagu xukumay 10 sano
Zakariye Cabdiraxmana oo lagu xukumay 10 sano
Cadnaan Faarax oo lagu xukumay 10 sano
Cabdirisaaq Warsame oo lagu xukumay 2 1/2 sano.
Cabdullaahi Yuusuf oo lagu xukumay waqtiga uu kusoo qaatay xabsiga.
Bishii May ayaa lagu helay dambi ah inay doonayeen inay ku biiraan ururka Dacish iyo eed labaad oo ahayd inay maleegayeen inay dil ka gaystaan dalka dibeddiisa.


