Booliiska dalka Kenya ayaa su’aalo ku weydiinaya magaalada Mombasa ee dalka Kenya koox dhalinyaro oo looga shakiyey in ay ku biiri rabeen Xarakada Shabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya.
Kooxdaan dhalinyarada ah ayaa laga soo qabtay magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka xili ay isku diyaarinayeen in ay bas u racaan dalka Soomaaliya si ay ugu biiraan ururka Shabaab.
Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in ay ka warqabeen dhaqdhaqaaqa dhalinyarada ,islamarkaan qaar ka mid ah doonyeen in ay weeraro ka geystaan dalka Kenya marka la gaaro bisha ramadaan.
Magacyada qaar ka mid ah dhalinyarada ay su’aalaha weydiinayeen booliiska dalka Kenya lagu magacabaa Abdirahman Mohammed Dida, Ali Ibrahim Sora, Mohammed Ebraham iyo Yassin Muhamed .
Francis Wanjohi oo ah taliyaha gobolka ayaa sheegay in dowladda Kenya ay sii laba jibaari doonto baacsiga Al-shabaab waa siduu hadalka u dhigaye.
Sidoo kale dowladda ayaa weli lacag badan ku baadigoobeysa rag la sheegay in ay ka tirsan Shabaab oo ku sugan dalka Kenya.


