Muqdisho-RisaalaFM- Inkastoo qaar ka mid ah ay heleen xilal oo ay ka shaqeeyaan Xafiisyada Madaxda Sare ee dalka, haddana qaar kale oo badan waxa ay yihiin kuwa rajo sugayaal ah oo waxa ay meel la fadhiyaan balan qaad ah inay heli doonaan xil dowladnimo.
Rajada ugu badan ee salkacisay dhalinyaradii Olalihii Farmaajo ee qaarkoodna ka tirsan Xisbiga Tayo ayaa waxa ay noqotay arinta Gobolka Banaadir, gaar ahaan inay iska dhex arkaan Gudoomiyeyaasha cusub ee Gobolka Banaadir oo suuragal ay tahay intooda badan in xilalka laga qaado.
Dhalinyaro badan oo ka tirsan Xisbiga Tayo ayaa hadda u xusul duubaya inay helaan xil ku aadan Gobolka Banaadir, maadaama qaar ka mid ah saaxiibadooda olalaha ay ku wada jireen loo magacaabay xilalka Sare ee Gobolka Banaadir.
Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Xafiiskiisa ayaa la sheegayaa inay buux dhaafiyeen CV-yo ay geeyeen qaar ka mid ah dhalinyarada Xisbiga Tayo, halka qaarkood ay qabaan kalsooni ah inay ka soo dhex muuqan doonaan isbedelka Gudoomiyeyaasha Degmooyinka lagu sameyn doono.
Xubno ka tirsan Xisbiga Tayo ayaa sheegaya hadda in la joogo waqtigii ay heli lahaayeen fursada hoggaamineed ee Gobolka Banaadir, maadaama Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Gobolka Banaadir dhanka ammaanka iyo siyaasadda Mohamed Tuulah uu yahay xubin fir fircoon oo Xisbiga Tayo ka tirsan.
Warar soo baxaya ayaa sheegay in qaar ka mid ah magacyadda Gudoomiyeyaasha Degmooyinka cusub ay sii diyaarsan yihiin.
Inkastoo Xisbiga Tayo ee Madaxweyne Farmaajo 8-da Bisha February ay isku diyaarinayaan xuska sanadguuradii ka soo wareegatay markii la doortay Madaxweyne Farmaajo, ayaa haddana qorshaha wuxuu yahay ka hor 8-da February in xilalka Gudoomiyeyaasha qaar la sii magacaabo si niyad dhis ay ugu noqoto kuwa kale ee wadada ku soo jira.
Soomaaliya ayaa waxaa caado ka ah in qofkasta oo xil qabta uu hareeraha ka eego kooxda ay axsaabta yihiin, iyadoo aanan loo eegin xag aqoon iyo xag maamul, balse loo eegayo kaliya xag dhawaansho.



