Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay ciidanka NATO ee ku sugan xeebaha Soomaaliya in ay ka gaabiyeen ka hortagida Shabaabkii weerarka ku qaaday Puntland.
Ciidamada Shabaabka ah ee gaaray deegaanada Puntland ayaa maray dhanka bada waxaana u suura gashay in ay si toos ah u gaaraan markii ugu horeysay deegaanka Garacad.
C/wali Gaas ayaa la weydiiyay shaqada ciidanka NATO waxaana uu sheegay in aysan ka qeyb ahayn la dagaalanka Al-shabaab balse wuxuu sheegay in ay si joogta ah ciidamada NATO ay u wada xiriiraan oo ay u sheegaan halka ay wax marayaan.


