Wasiirka waxbarashada xukuumada Soomaaliya Qadra Bashiir Cali ayaa shaacisay in jaamacadaha dalka ay kala hadashay sidii jaamacadaha loogu soo kordhin lahaa kor u qaadista Af-Soomaaliga.
Qaar kamid ah jaamacadaha Soomaaliya ayay sheegtay iney bilaabeen hirgelinta barashada Af-Soomaaliga, waxayna hambalyo u dirtay jaamacada Hargeysa oo ay sheegtay iney dhaqan gelisay barista Afka Soomaaliga.
Jaamacadaha Adduunka ayay sheegtay iney gacan ka geysteen barashada af Soomaaliga, sidaasi daraadeedna loo baahan yahay in jaamacadaha Soomaaliyeed ay kaalin weyn ka qaataan horumarinta Af Soomaaliga.
Qadra Bashiir, ayaa sheegtay in wasaarada waxbarashada xukuumada Soomaaliya ku dadaali doonto sidii loo hormarin lahaa qorista Af Soomaaliga.


