DHAGEYSO:Ciidamada dowladda oo degmada Luuq ku qabtay waxyaabaha maanka dooriya

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya ciidamada amaanka degmada Luuq in ay gacanta ku dhigeen 6 kartoon oo ay ku jireen waxyaabaha maanka dooriya.

Saraakiisha amaanka ah ee degmada Luuq ayaa inoo xaqiijiyay in waxyaabahan maanka dooriya laga keenay dalka Itoobiya loona waday degmada Luuq.

Waxa ay saraakiisha ay sheegeen in meel fagaaro ah lagu gubay Qamrigaas iyo waliba maandooriyaasha kale eek u jiray iyadoo sidoo kalana sheegay in maxkamad ay soo taagi doonaan 2 haween ah oo waday waxyaabahan maanka dooriya.

Ciidamada amaanka ee degmada Luuq ayaa mudooyinkan dambe waday howlgallo ay kaga hortagayaan waxyaabahan maanka dooriya.