Hiiraan-RisaalaFM- Gudoomiyihii hore ee Goboolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in uusan waxba kala socon xilka qaadista lagu sameeyay.
Wuxuu sheegay warbaahinta iyo website-yada lagu qoro Afka Soomaaliga in uu ka maqlay, kana arkay oo kaliya xilka qaadista lagu sameeyay.
Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) Gudoomiyihii hore ee Goboolka Hiiraan ayaa sheegay Madaxweynaha Hirshabeelle in uusan kala tashan xilka qaadista uu ku sameeyay sidoo kalena uusan ku soo wargelin.
Shalay ayay aheyd markii warqad ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble lagu sheegay in xilka looga qaaday Gudoomiyihii hore ee Goboolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).


