DHAGEYSO: Xukuumadda oo faah faahisay dhismaha Golaha Amniga

Muqdisho-RisaalaFM- Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cismaan Yariisow ayaa faah faahin ka bixiyay dhismaha Golaha Amniga Qaranka, kaas oo Dowladda Dhexe ee Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada dalka ay ku heshiiyeen.

Waxa uu sheegay dhismaha Golaha Amniga Qaranka in ay sahli karto in Dowladda Dhexe ee Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada dalka ay iska kaashadaan xaqiijinta Amniga iyo ladagaanka Shabaab.

Sidoo kale Eng. C/raxmaan Cismaan Yariisow Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ahmiyad gaar ah siineyso Amniga.

Shirkii Todobaadkan gudihiisa ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho Madaxda Dowladda Federaalka iyo Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa waxaa lagu go’aamiyay in la dhiso Golaha Amniga Qaranka.