DHAGEYSO: Maamulka Hiiraan oo eedeeyay Guddiga Gurmadka Abaaraha

Hiiraan-RisaalaFM- Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan oo la hadlay warbaahinta ayaa Guddiga Gurmadka Abaaraha Qaran ee dalka waxa uu ku eedeeyay in ay dayceen dadka ku nool Gobolka Hiiraan, islamarkaana aysan Gurmad gaarsiin.

Cali Jeyte Cusmaan ayaa waxa uu sheegay in maalin walbo ay maqlaan Guddiga Gurmadka Abaaraha Qaran ee dalka oo soo gaaraya lacago kala duwan, laakiin aysan jirin lacago ilaa hada la soo gaarsiiyay dadka ku nool Gobolka Hiiraan.

Waxa uu sheegay muhiim in ay tahay in Guddiga ay si hufan u shaqeeyaan, islamarkaana si isku mid ah ay wax ugu qeybiyaan bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa sheegay Abaaraha ka jira Hiiraan in ay dad badan u dhinteen, loona baahan yahay in la badbaadiyo dadka kale ee hada ay macluusha heyso.