DHAGEYSO: Xukuumada Soomaaliya oo sheegtay in meel gabo gabo ah uu marayo qorshaha Qaranka

Wasiir ku Xigeenka Wasaarada qorsheynta Qaranka C/llaahi Sheekh Cali Qaloocoow oo la hadlay idaacadda VOA ayaa sheegay in meel gabagabo ah uu maro Qorshaha Qaranka oo ay diyaariyeen.

Waxa uu sidoo kale sheegay in qorshahaasi Qaran laga tala geliyay dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada ee ku kala nool gobolada Dalka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay ku rajo weyn yihiin in ay ku guuleystaan qorshaha Qaran oo uu hada sheegay in meel wanaagsan marayo.

Qorshahaan Qaran oo ay wado Wasaarada qorsheynta Qaranka ee Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa loogu tala galay in howshiisa ay socoto 3 sano ee soo socota, Waxaana Magaalooyin ka tirsan Dalka lagu qabtay Shirar Bulshada Soomaaliyeed loogu dalbanayo iney talo ku lahaadaan Qorshaha Qaran.