Mahad Cabdalle Cawad, gudoomiye ku xigeenka labaad baarlamaanka Soomaaliya oo aqrinayay qoraal kasoo baxay baarlamaanka Soomaaliya ayaa dalabyo dhinacyo badan u jeediyay xukuumada Soomaaliya.
Mahad Cawad, ayaa ka dalbaday xukuumada Soomaaliya iney siyaasad cad ka keento shaqsiyaadka kasoo goosta Alshabaab ee kusoo biira dhanka dowlada Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu sheegay in xukuumada laga doonayo iney soo diyaariso hanaan lagu mideynayo tababarada kala duwan oo ciidamada dowlada Soomaaliya ay ku qaataan dalalka dibada ah.
“Waxaan ka dooneynaa xukuumada iney siyaasad cad ka keento Shabaabka soo goosta ee dowlada kusoo biiraya, waxaan kaloo ka dooneynaa iney keento hanaan lagu mideynayo tababarka ciidanka qaranka dibada ay kusoo qaataan”ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka.
Ugu dambeyn baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dalbaday xukuumada Soomaaliya iney ka shaqeyso sidii la iskugu furi lahaa waddooyinka ay go’doomiyeen Alshabaab si dadka deegaanka gargaar loo gaarsiiyo.


