Togdheer-RisaalaFM- Taliska Ciidanka Booliska ee Gobolka Togdheer ayaa gacanta ku soo dhigay Khamri tiro badan, kaas oo si sharci daro ah loo soo gelinayay Magaalada Burco.
Eedeysanayaashii ku howlanaa soo gelinta Khamriga ay Maxkamadda Racfaanka Gobolka Togdheer ku xukuntay xabsiyo isugu jira 6-sano, 3-sano iyo waliba ganaax lacageed.
Ku xigeenka xeer ilaaliyaha Gobolka Togdheer Xuseen Cali Xeere ayaa warbaahinta uga warbixiyay qaabka uu u dhacay xukunkan lagu riday Saddexdan Dhalinyaradan.
Dhinaca kale Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Togdheer Cabdi Muuse ayaa sheegay in ay ku howlan yihiin rag kale oo lala xiriirinayo in ay ku lug leeyihiin falkan.
Waxa uu bulshada Gobolka Togdheer ugu baaqay in ay Booliska kala shaqeeyaan sidii loo soo qaban lahaa Khamri-wadayaasha.
Ugu dambeyntii ayaa waxaa Khamriga lagu gubay Maxkamadda horteeda, iyadoo Khamrigan uu noqonayo midkii ugu badnaa ee Booliska ay gacanta ku soo dhigaan sanadkan 2017-ka.


