DHAGEYSO: Kulan looga hadlayay Abaaraha

Gedo-RisaalaFM- Kulankani oo ahaa mid Saddex geesood ah islamarkaana ay wada qaateen Maamulka Degmada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo, Odayaasha Dhaqanka iyo Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Degmada Beled-xaawo ayaa waxa auu u jeedkiisu ahaa sidii loogu istaagi lahaa dadka ay sida aadka ah u saameysay Abaarta.

Maamulka Degmada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo oo uu horkacayay Guddoomiyaha Degmada Beled-xaawo oo kulanka ka hadlay ayaa waxa uu sheegay Abaaro ba’an in ay ka jiraan Gobolka Gedo, loona baahan yahay in wax laga qabto.

Waxa uu sheegay in ay qeylo dhaan u dirayaan Dowladda Federaalka, Hay’adaha caalamiga iyo Dadka Hantida leh, baaqaas oo ah in ay gar gaar la soo gaaraan Dadka ku dhibaatesyan Gobolka Gedo, gaar ahaan shacabka Beled-xaawo.

Ugu dambeyntii Odayaasha Dhaqanka ayaa sheegay muhiim in ay tahay in si wadajir ah loogu gar gaaro dadka ay Abaaraha saameeyeen, si dadka loo badbaadiyo.