Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa si wayn uga qaylo dhaaminaya nidaam cusub oo lagu soo rogay Madaxtooyadda Villa Soomaaliya, kadib markii cadaadis la saaray Xildhibaanada.
Waxa ay sheegeen in dhibaatada ugu badan ay kala kulmayaan Ciidanka Ammaanka.
Wixii ka dambeeyay markii Axadii la soo dhaafay Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ay gudbiyeen Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa waxaa soo baxay nidaam cusub oo Xildhibaanada loogu diidaayo inay u gudbaan Villa Hargaysa oo ku dhex yaallo Villa Soomaaliya.



