DHAGEYSO: Xildhibaanada BF oo Warbixin ka dhageystay Guddiga Abaaraha

Muqdisho-RisaalaFM- Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta Warbixin ka dhageystay Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha.

Xubno Sare ee Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha ayaa hortagay Baarlamaanka, waxayna ka hor jeediyeen Warbixin la xiriirta sida ay u socdaan Howlaha Gurmadka.

Sidoo kale Guddiga ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka u soo bandhigay lacagaha ay ilaa hada hayaan, meelaha ay ku bixiyeen iyo meelaha ay ka heleen lacagahaasi.

Yaxye Cali Ibraahim oo ka mid ah Xubnaha Sare ee Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha ayaa Xildhibaanada ka hor jeediyay warbixinta Guddiga oo dhameystiran.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shekh Cusmaan Jawaari ayaa u Mahad celiyay Guddiga, waxa uuna sheegay in Xildhibaanada ay kala kaashadaan howlaha ay wadaan.

Dhanka kale Guddoonka Baarlamaanka ayaa Magacaabay Guddiga ka Kooban 10 Xildhibaan kuwaasi oo dabagal ku sameynaya howlaha Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha.

Sidoo kale Guddigaan Xildhibaanadaan ah ayaa waxa ay ka dhex shaqeyn doonaan Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Guddiga isla markaana waxa ay Baarlamaanka usoo gudbin doonaan mar walbo halka ay mareyso Howlaha gurmadka.

Guddoomiye Ku Xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalle Cawad ayaa Xildhibaanada u aqriyay Magacyada 10-ka Xildhibaan iyo shaqada ay qabanayaan.

W/D:- Axmed Cabdi Cali