Xildhibaanada Baarlamaaka Soomaaliya ayaa lagu Amray in ay tagaan degaanadii laga soo doortay sida ay uga qeyb qaataan Gurmadka loo fidinaayo dadka Saameeyeen Abaaraha ee ku sugan gudaha Soomaaliya.
Maxamed Cabdi Xayir oo ka mid ah xildhibaanada Baarlmaanka Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in xildhibaanada lagu amray in tagaan degaanada ay kasoo jeedaan ,islamarkaana ay qeybiyaan gurmadka dowladda Soomaaliya ay ugu tala gashay dadka dhibaateysan.
Sidoo kale ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayuu sheegay in ay si weyn uga qeyb qaadan doonaan u gurmashada dadka dhibaateysan.
Abaarta ka jirta Soomaaliya ayaa kasii daraysa maalinba maalinta ka dambeysa,waxaana hay’adaha kala duwan ee Adduunka ay wadaan dadaallo kala duwan.


