Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 14 Bisha Febraayo waxaa jira Kulankii Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, waxayna ku kulmayaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka shiraya maanta aqrinta labaad ee hindise sharciyeedka Xanaanada xoolaha, mashruuc ku saabsan Xasaanada Xildhibaanka, iyo Warbixin ay soo diyariyeen guddiga madaxa banaan ee Xuduudaha.
Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamed oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isaga oo ka hadlayay wuxuu Idaacadda Risaala u sheegay iney maamnta xildhibaanada dhageysan doonaan aqrinta labaad ee Sharciga Xanaanada xoolaha.
Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo maalmihii ugu dambeeyay ku shirayay magaalada Muqdisho ayaa ka shirar ansixinta iyo dhageysiga hindise sharciyeedyo badan oo xukuumada ay soo diyaarisay


