Gudoomiyaha Degmada Dharkeynleey ee maamulka gobolka Banaadir Cumar Meyre Macoow, oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa ka warbixiyay isqab- qabsiga dhulalka ee ku soo badanayo degmada Dharkeynleey.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in isqab qabsiga dhulalka Degmada Dharkeynleey ay joogto ka tahay islamarkaana ay mar walbo ku dadaalaan iney xaliyaan murannada dhanka dhulalka la xiriira.
Wuxuu tilmaamay in xalintooda ay la kaashadaan guddiga xalinta khilaafaadka ee maamulka gobolka Banaadir, isaga oo xusay in ay mar walbo ku dadaalayan in si cadaalad ah ay ugu shaqeeyaan.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa horay u sheegay in aysan aqbali doonin in si xoog ah loo heysto hantida iyo guryaha shacabka.


