DHAGEYSO: Xildhibaan sheegay in madaxda dowladda ay la yimaadeen dhaqan cusub

Xildhibaan Faarax Shiikh Cabduqaadir oo kamid ah xildhibaanada golaha Shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay bilaawday waxa uu ku tilmaamay weerar ceebeysi ah.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ay madaxda dowladda hada jirta ay la yimaadeen dhaqan ah ceebeyn, oo ay ceebeynayaan siyaasiyiinta ka aragtida duwan, waxa uuna sheegay in ay kasoo hor jedaan in qaladaadkooda loo sheego.

Waxa uu tibaaxay in dowladdii ka horeeyay tan, aysan dhaqamadaani ku dhaqmi jirin, ayna tahay wax laga xumaado in dowladdu weerar toos ah iyo mid sharaf dil ahba ku qaado dadka ka aragtida duwan.

Xildibaan Faarax Shiikh Cabduqaadir ayaa sheegay in mucaaradnimadu aysan aheyn in qofka mucaaradka ah uu doonayo in dalka uu dumiyo balse waxa uu sheegay in dowladda ay dooneyso in sidaasi ay ka dhigto oo qofkii ka aragti duwan ka dhigaan qof dalka duminayo