DHAGEYSO: Bixinta Baasaboorka Soomaaliga oo hakad ugu jira Qandaraaski shirkadda oo dhamaaday

Iyadoo uu hakad ku jiro bixinta Baasaboorka Soomaaliga oo dadka si wayn uga cabanayaan muddooyinkii dambe, ayaa sababta keentay inuu hakad ku yimaado baasaboorka waxa ay tahay arrimo la xiriira Shirkadda Daabacda Baasaboorada Somaliya.

Shirkadda Daabacda Baasaboorada Soomaaliga ayaa horay qandaraas heshiis ah waxaa ula galay dowladii ka horeysay midda hadda jirta, waxaana heshiiskaasi uu noqday mid waqtigeeda uu dhamaaday, kadibna waxaa jiray Khilaaf ka dhashay cusbooneysiinta heshiiska.

Halkaan hoose ka dhageyso warbixin xog badan xambaarsan oo uu Wariyaha Risaala Faysal Cabdullaahi Maxamuud (Faysal Hanad) inooga diyaariyay arkaan.