DHAGEYSO: Xildhibaan ka hadlay dib u dhaca Ku yimid Doorashooyinka Soomaaliya

Xildhibaan Khaliif  Maxamed Xaaji Xasan oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa ka hadlay dib u dhaca ku yimid doorashooyinka  Soomaaliya ee sanadka 2016 , gaar ahaan soo xulista xildhibaanada baarlamaanka  dowladda Soomaaliya.

Khaliif  Maxamed Xaaji Xasan ayaa sheegay in hada xildhibaanada jira Waqtikooda  uu ka dhiman yahay oo kaliya muddo ka yar hal bil sidaas darteedna ay muuqato dib u dhac xoogan.

Xildhibaanka  ayaa sheegay in loo baahan yahay in la soo xareeyo odayaashii soo xuli lahaa xildhibaanada baarlamaanka dowladda Soomaaliya.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in ay ka gaabiyeen in doorashada ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay , madaam aysan  muuqan diyaar garow ku aadan hanaanka doorashada.