DHAGEYSO: Xildhibaan Goodax ”talada Hiiraan waxgaradka ayay ka go’daa”

Xildhibaan C/laahi Goodax Barre oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka soomaliya gaar ahaan kuwa ka soo jeeda gobolka Hiiraan oo gaaray magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan kana qeyb galay shirka dib u heshiisiinta ee ka socda gudaha Baledweyne ayaa waxa uu ka hadlay shirka ka socda Hiiraan.

Waxaana uu xildhibaanka sheegay in odayaasha reer Hiiraan ay iyagu gacantooda ku jirto talada gobolka Hiiraan, iyadoo uu sheegay in mustaqbalka Hiiraan ay leeyihiin reer Beledweyne.

Xilibaan Goodax ayaa mudooyinkii ugu dambeyay ahaa shaqsi si aad ah ugu dhuun daloolay siyaasada kacsan ee ka jirta gobolka Hiiraan.

Maalmihii udambeeyay gobolka Hiiraan waxaa ka socday shirka dib uheshiisiinta odayaasha degan gobolka Hiiraan,iyadoo ay wali jiraan waxgarad ka soo horjeeda shirka magaalada Jowhar ay gogashiisa ay taalo.