DHAGEYSO: Xildhibaan Dalxa “Askariga AMISOM & Jeneraalka Soomaaliyeed yaa awood badan”

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, oo kamid ah gudiga arimaha dibada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dalbaday dowlada Soomaaliya iney kala cadeyso awoodaha ay kala leeyihiin saraakiisha ciidamada dowlada iyo askarta AMISOM ee ku sugan garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ilaalinta xasaanada xildhibaanada baarlamaanka ay dusha ka saaran tahay wasaarada amniga iyo laamaha amaanka ee xukuumada Soomaaliya, balse ay jiraan dhibaatooyin xildhibaanada kala kulmaan askarta AMISOM.

“Askariga dowlada isaga oo ku yaqaan oo ku dhahaya waa xildhibaan ninkaan ee sii daa, ayaa askariga AMISOM wuxuu ku dhahayaa waa lagu baarayaa, markaa keebaa askariga AMISOM iyo Generaalka Soomaaliyeed warkiisa soconayaa oo wadanka awood ku leh”ayuu yiri xildhibaan Dalxa oo ka hadlayay kulankii su’aalaha lagu weydiinayay wasiirka amniga qaranka.

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa mooshin ka keenay madaxweynaha Soomaaliya kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in la baarayo xildhibaanada baarlamaanka ee ka duulaya kana soo dagaya Aadan Cadde, wallow wasiirka amniga amniga uu arimahaasi beeniyay.