DHAGEYSO: Xildhibaan Ibraahim Dadow oo ka hadlay Doorashada Hirshabeelle “SAWIRRO”

Muqdisho-RisaalaFM- Xildhibaan Ibraahim Maxamed Dadow Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladaha siyaasadeed maamulka Hirshabeelle halka ay marayaan.

Ugu horeyn xildhibaanka ayaa sheegay in xildhibaanada Hirshabeelle ay isku diyaarinayaan Doorasho Madaxweyne, maadaama Mudanayaasha Hirshabeelle ay xilkii ka xayuubiyeen Cali C/laahi Cosoble, Dowladda Federaalkana arrintaasi ay ku raacday.

Wuxuu sheegay Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hirshbeeelle oo 16-kii bishan kulan ku yeeshay Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe in ay doorteen 9 xubnood oo ka mid ah xubnaha Baarlamaanka, kuwaasi oo ka shaqeynaya diyaarinta Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle.

Xildhibaan Ibraahim Maxamed Dadow ayaa sheegay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Hirshabeelle in ay sugayaan Madaxweyne lagu kalsoon yahay xaalada hada maamulka uu marayana ka saara.

Sidoo kale Xildhibaan Ibraahim ayaa sheegay musharixiinta Madaxweyne ee u taagan Hirshabeelle in ay badan yihiin, midkii soo baxana ay u taalo howl adag,maadaama Dowlad goboleedka Hirshabeelle uu yahay maamulkii ugu dambeeyay ee la dhiso.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha cusub ee la dooran doono howlaha horyaala in ay ka mid yihiin dhisida xafiisyada Wasaaradaha, Xafiisyada Baarlamaanka, dib u dayactirka saldhigyada Ciidamada iyo howlo kale.

Wuxuu kaloo sheegay xildhibaanka Baarlamaanka Hirshabeelle in uu geli lahaa fasax 9-kii bishan, balse howlaha adag ee jira darteed fasaxooda uu dib u dhac ku yimid.

Suurtagalnimada ah in waqti kale lagu kordhiyo Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle ayuu soo hadal qaaday, wuxuuna sheegay 30-ka ee beri Doorashada loo qabtay in ay u badan tahay in waqti kale lagu daro, maadaama hada waqtiga uu socdo, sidoo kalena Ciida Caarafo lagu guda galayo.

Xildhibaan Dadow ayaa sidoo kale sheegay inuu ka mid ahaa xubnihii Dowlad goboleedyada ee ka galay shirkii qorshaha amniga ee shalay kadhacay Muqdisho, wuxuuna tilmaamay shirkaasi in looga hadlayay qaabkii lo sugi lahaa amniga Soomaaliya, afarta sano ee soo socoto,laguna balamay in dib la isugu soo laabto 23-ka September ee sanadkan.

Ugu dambeyntii Xildhibaan Ibraahim Maxamed Dadow ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Xildhibaan Aadan Macalin oo ka tirsanaa Baarlamaaka Hirshabeelle, kaasi oo xalay qadarta Alle ugu geeryooday magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.