Wararka naga soo gaaraya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta halkaas laga dareemaayo xiisad colaadeed oo u dhaxeysa labo maleeshiyo beeleed oo wada daga magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Xaafada Howlwadaag ayaa laga dareemaya xiisad ka dib markii shalay ay guuldareysteen wadahaladii u dhaxeeyey maleeshiyaadkii dhawaan ku dagaalamay magaalada Baledweyne.
Odayaasha dhaqanka magaalada Baledweyne ayaa wada daadaal xoogan oo lagu joojiyo in aysan mar kale dagaal ka dhacin magaalada Baledweyne.


