Wararka an ka heleyno magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan isku fahmi waayeen shir ka dhacay magaalada Beledweyne.
Wariyaha magaalada Beledweyne ee idaacadda Risaala ayaa soo sheegaya in shirka madaxweynaha Soomaaliya iyo odayaasha dhaqanka Hiiraan isku fahmi waayeen ayna ku kala boodeen.
Wararka waxay sheegayaan in odayaasha dhaqanka ay kasoo horjeesteen dalab uu usoo gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya kaasi oo ahaa inuu halhal ulakulmo odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan.
Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan oo warbaahinta la hadlay xili dadweyne badan banaanbaxyo ka dhigayeen Beledweyne ayaa sheegay in waxii ayd oonayeen aysan ka helin Xasan Sheikh & Xukuumada Soomaaliya


