DHAGEYSO: Madaxweynaha “Rajo badan ayaan ka qabaa in aan dalka markale hogaamiyo

Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Waqtiga Shaqada Xafiiska uu gabo gabo sii marayo, maadaama dalka la filaayo inay ka dhacdo Doorashada Madaxweynaha dalka ayaa Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu sheegay inuu rajo ka qabo mar kale inuu helo fursad uu dalka ku hogaamiyo.

“Aniga Doorashadeyda dabcan aniga isma xukumi karo dadka Somaliyed ayaa I xukumi doona iyo Baarlamaanka imaan doona, laakiin rajo badan ayaan ka qabaa dadka Soomaaliyed fursad kale maadaama aan aaminsanahay in aan wax fiican dalka u soo qabtay oo fursad kale la siin doono.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in uu ku raja weyn yahay in uu marka soo laabto.

“Horta Saadaasha Mustaqbalka waa ay dhib badan tahay Dadka Soomaaliyed kuligood waa dad mudan inay xilka qabtaan oo awood u leh inay masuuliyada qabtaan dad badan waagii 2012-ka isma laheyn inaan anigu Madaxweyne noqonaayo, maantana anigu inaan ka hor dhaco marabo oo aan saadaaliyo oo hebel ma qaban karo iyo hebel ma qabanaayo inaan dhaho ma rabo, dadka waxa ay joogaan marxaladii anigu aan joogay siyaasiyiinta waana soo dhaweynaa.” Ayuu hadalkiisa raaciyay Madaxweyne Xasan.