Kismaayo-RisaalaFM- Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, ayaa waxaa laga hirgelinayaa Xarun lagu dhaqan celiyo Dhalinyarada ka soo goosata Ururka Al Shabaab.
Xaruntaan oo ah mid weyn ayaa maalgelinta ku baxeysa waxaa bixinaysa Dowladda Jarmalka, halka Maamulka Jubbaland ay maamulayso xaruntaan.
Guddoomiyaha gobolka Jubbada Hoose Cabdirashiid Cali Gooni, ayaa VOA-da u sheegay in xaruntan loogu talo galay dhaqan celinta Dhalinyarada Shabaab ka soo goostay.
C/rashiid Gooni ayaa sidoo kale sheegay muddo lix bilood ah dhalinyarada in tababaro kala duwan oo gacanta ah lagu siin doono xaruntaan cusub, islamarkaana aysan aheyn goobtan goob xabsi ah.
Xaruntan lagu dhaqan celiyo Dhalinyarada ka soo goosata Ururka Al Shabaab ayaa ah tii ugu horeysay ee laga hirgalinayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose


