Muqdisho-RisaalaFM- Dowladda Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horeysay muddo ka badan 30 sanadood soo bandhigtay qorshihii ugu horeeyay ee Horumarinta Qaranka.
Qorshahan ayaa daba socday kadib markii dowladdu ay hirgelisay qorshihii Hiigsiga ee Soomaaliya oo soo socday muddo sadex sanadood ah.
Munaasabadda Qorshaha Hormarinta Qaranka lagu soo bandhigayay ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, Wasiirka Wasaarada Qorsheynta ee dowladda Soomaaliya Cabdiraxman Yuusuf Cali Caynte iyo xubno ka tirsan Labada Gole ee dowladda.
Wasiirka Wasaarada Qorsheynta ee dowladda Soomaaliya Cabdiraxman Yuusuf Cali Caynte ayaa sheegay in qorshahaan uu bedeli doono qorshaha hada ay dowladda Soomaaliya ku shaqeyso ee lagu magacaabo New Deal ama hiigsiga cusub.
Waxa uu intaas ku daray in qorshahan uu yahay mid ay degsatay dowladda Soomaaliya.


