DHAGEYSO: Xaalada Magaalada Gaalkacyo oo saakay degan

Gaalkacyo-RisaalaFM- Xaalada Waqooyiga Magalada Gaalkacyo ayaa saakay degan ka dib markii shalay ay ka dhaceen Qaraxyo ay dad badan ku dhinteen.

Sidoo kale Ciidamada amaanka ee Puntland ayaa Howlgalo amaanka lagu xaqiijinayo waxa ay weli ka wadaan Goobihii shalay ay Qaraxyada ka dhaceen.

Waxaa sii kordhaya tirade dhimashada iyo dhaawaca, waxaana la sheegay in dhimashada ay sii mareyso 32 qof halka dhaawacana lagu sheegay inuu yahay 60 qof.

Taliyah Qaybta Booliiska ee gobolka Mudug C/Waaxid Cabdulle Warsame oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dadkii Qaraxyada ka dambeeyay Cadaalada la marsiinayo isla markaana sharciga la horkeeni doono.

Waxa uu sidoo kale Taliyaha Tilmaamay in Ciidamada amaanka ay u aar gudi doonaan dhibaatadii ku dhacday shacabka Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Madaxda Soomaalida ayaa si isku mid ah u Cambaareeyay labadii Qarax ee shalay ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa dhankooda war qoraal ah ka soo saaray oo ay ku cambaareynayaan Qaraxyadaasi, waxaana ay sheegeen in ay dib u dhis ku sameyn doonaan ciidanka xoogga Soomaaliyeed.