DHAGEYSO: Xaalada Baledweyne oo dagan

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in saaka xaaladu dagan tahay.

shalay galinkii dambe ayaa maamulka gobolka Hiiraan ayaa waxa uu kala dhex dhigay  ciidan meeleeshiyo beeleed ah labadii meeleeshiyo ee ku dagaalamay Baledweyne.

Maamulka degmada Baledweyne iyo sidoo kale odayaasha dhaqanka ayaa ku guuleystay in ay xabada hakiyaan.

Maanta ayaa lagu wadaa in la kala  qaado meeleeshiyaadkii ku dagaalamay baledweyne.