Bakool-RisaalaFM- Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa xilligan waxaa ka taagan dhibaatooyin kala duwan oo dhanka nolosha ah, waxaana mudo ku dhow 5 sano ay u go’doonsan tahay Shabaab.
Shacabkii ku noolaa Degaanada ay hoostagaan Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa intooda badan waxa ay u soo barakaceen Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, kadib markii ay la soo deristay xaalad adag.
Guddoomiyaha Degmada Waajid ee Gobolka Bakool C/laahi Yariisow ayaa waxa uu ka hadlay dhibaatooyinka xilligan ka taagan Degmada Waajid iyo Degaanada hoostaga.
Warbixinta warkan waxaa Degmada Xudur inooga soo diray Wariyaha Risaala ee Degaanada Koonfur Galbeed Siid Cali Muuse Maxamed.


