DHAGEYSO: Dhalinyarada ku jirta Al-Shabaab oo Fariin loo diray

Taliyaha Guutada Sagaalaad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee gobolka Gedo oo la hadlay Warbaahinta ayaa Dhalinyarada ku jirta Al-Shabaab ugu baaqay in ay isku soo dhiibaan Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Taliye Maxamed Cadow ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ay soo dhaweeyaan dhalinyarada Al-Shabaab hadii ay isku soo dhiibaan ciidamada dowladda.

Cafiskii Madaxweynaha Soomaaliya ee ahaa hadii ay dowladda isku soo dhiibaan in ay heli doonaan dhaqan celin ayuu ugu baaqay in ay ka faa’idaystaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan ugu baaqay dhalinyarada ku jirta Al-Shabaab in ay kasoo baxaan , islamarkana ay isku soo dhibaan ciidamada dowladda Soomaaliya.